Translate to

  • Translate to...
  • Translate to...
  • Translate to...
  • Translate to...
  • Translate to...
  • Translate to...
  • Translate to...
  • Translate to...
Print E-mail
Villa Maria Society maahan hay’ad faa’do doon ah, ee waa hay’ad siisa adeegyada tayada leh iyo fursadaha nolosha horumariya dadka da’da ah iyo carruurta iyo dadka naafada ah. Hadafkayagu waa “abuuridda khayaarada iyo samaynta bulshooyin wadajira, sii-jiraya iskuna naxariista.”
 
Adeegyada Naafada– Kooxda Adeegyada NaafadaVilla Maria waa kuwa naxariis badan xagga taageeridda dadka naafada ah si ay u gaaraan hadafyadooda iyo higsadkooda shaqsi. Shaqaaluhu waxay awoodsiiyaan, taageeraan oo dhiirigeliyaan dadka si ay si buuxda oo siman uga qaybgalaan bulshada, ayagoo u abuuraya khiyaaro iyo fursado badan ee xagga doorashooyinkooda. Adeegyada ballaaran waxaa ka mid ah Hoyga Taageerada La-wadaago, qalab iyo meelo nasiino leh, meelaha dadka da’da ah, taageerooyinka shaqsiga ah, maaraynta kaysaska iyo taageerada dadka da’da ah. Si aad wax u weydiiso fadlan soo wac (03) 9855 7616 ama (03) 9855 7618
 
Adeegyada Waxbarashada – Villa Maria waxay taageertaa carruurta naafada ah oo qaba dib-u-dhac xagga koritaanka. Villa Maria waxay la shaqaysaa qoysaska si loo hubiyo in ilmo kastaa helo barnaamijyo waxbarasho ballaaran, koritaan iyo teerabi si ay u awoodaan inay horumariyaan caqligooda, jidhkooda, caadifadooda iyo ruuxooda. Adeegayaga Gurmadka Carruurnimada Hore wuxuu taageeraa carruurta yaryar oo da’doodu tahay 0 ilaa 6 sano, St Paul’s College waxay siisaa barnaamij kabid ah carruurta da’da bareebka iyo dugsi-dhigasho carruurta da’doodu tahay 5 ilaa 18 sano hakaas oo ay helaan taageero shaqsiyaysan oo degdeg ah si loogu diyaariyo nolosha waayeelnimada. Si aad wax u weydiiso fadlan soo wac Adeegga Gurmadka Carruurnimada Hore (03) 9855 7850; Si aad wax u weydiiso St Paul’s College fadlan soo wac (03) 9855 7700
 
Adeegyada Bulshada – Adeegyadabulshada Villa Maria ee balaaran waxay ka caawiyaan daka da’da ah iyo daryeelayaashooda inay ahaadaan kuwa firfircoon kuna xiran bulshdooda.  
Adeegyadu waxay ka shaqeeyaan Metropolitan Melbourne, Gobolada Victoria iyo Gobolka Southern Riverina region ee New South Wales. Barnaamijyo gaar ah oo loogu talagalay dadka da’da ah waxaa ka mid ah barnaamijyada dareyeelka dadka da’da ah oo ay Dowladda Federaaalka maalgeliso oo uu ku jiro CACP, EACH iyo barnaamijka Waalida ee EACH, barnaamijyada taageeridda daryeelayaasha, oo ay ku jiraan daryeelayaasha dhalin-yarada, daryeelayaasha caafimaadka dhimirka, iyo daryeelayaasha dadka qaba naafooyinka dardaran/soojireenka ah, barnaamijyada nasiinada maalinta iyo habeenka ah, adeegyada dhaqan-celinta iyo taageerada guri-siinta. Si aad wax u weydiiso fadlan soo wac 1300 650 615
 
Daryeelka Degaaneed ee Dadka Da’da ah– Villa Maria waxay leedahay afar tas-hiilaadka daryeelka dadka da’da ah oo ku yaala Prahran, Berwick, Bundoora iyo Wantirna*. Tas-heelaadkayaga daryeelka dadka da’da ah waxay leeyihiin aqoonsi buuxa waxayna deganayaasha siiyaan daryeelka ugu tayo sarreeya oo suurtagalka ah. Taageeridda baahiyaha deganayaasha ee bulshadeed iyo dhaqameed, fududaynta xiriirada habboon iyo u-abuuridda fursadaha deganayaasha si ay ugu raaxaystaan nashaadyada bulshada iyo saaxiibtinimada waxay asaas u tahay nadaamka Villa Maria ee daryeelka daganeyaasha da’da ah. Si aad wax u weydiiso soo wac 1300 845 525
*Fadlan ogsoonow daryeelka daganeyaasha da’da ah ee Wantirna inuu hadda u xiran yahay dib-u-habayn. 
 
Dadka waaweyn oo si madax-bannaan u noolaada. Villa Maria waxay leedahay laba khayaar u-noolaanshaha madaxa-bannaan oo ay heli karaan dadka da’da ah.
 
Athelstan Camberwell waa xaafad howl-gabeed oo hadda dhismo ku socdo waxayna dhammaan doontaa bartamaha 2012. Markii la dhammaystiro, daganeyaashu waxay ku raaxaysan doonaan tayo cusub oo ah guryo raaxo ee u noolaanshaha madaxa-bannaan oo ku yaal goobo raaxo iyo sahlanaanba leh una dhow shoobinka weyn ee Burke Rd, Rivoli Cinemas, maqaayadaha, baarkinada, iyo tas-hiilaadka waqti-firaaqada iyo cayaaraha oo leh meelo ku wanaagsan ka-raacidda gaadiidka dadweynaha. To Si aad wax u weydiiso soo wac (03) 9882 5800
 
Guryaha u-noolaanshaha madaxa-bannaan oo uu dhisay Xafiiska Guri-siinta (Office of Housing) waxay ku yaalliin Wantirna iyo Bundoora. Daganeyaashu waxay ka heli karaan Xafiiska Guri-siinta haddii ay u xaq leeyihiin guri-siinta dadweynaha. Villa Maria waxay haysataa xuquuqda masuuliyadda (sponsorship rights) ee u ogolaanta daganeyaasha Guryaha u-noolaanshaha madaxa-bannaan. Si aad wax u weydiiso fadlan soo wac (03) 9855 7600
 
Fursadaha folanteerka. Villa Maria waxaa asaasay folanteero 1907 welina maanta waxay ka qaataan kaalin muhiim ah gaaridda hadafkeena xagga abuuridda khayaarada iyo samaynta bulshooyin wadajira, sii-jiraya iskuna naxariista. Villa Maria waxay ku faraxsan tahay taageerada in ka badan 300 folanteeri.
Folanteernimadu Villa Maria waa fursad looga qaybgalo bulshadaada degaanka, lala wadaago xirfadahaaga, lala shaqeeyo dad aad is-fahmi kartaan isbaddal muuqdana lagu sameeyo nolosha dadka. Waxaad kaloo heli kartaa xirfado cusub, waxaad horumarin kartaa waayo-aragnimada shaqo qiimo badan leh, waxaad xoojin kartaa isku kalsoonaantaada, waxaad heli kartaa fan! Si aad wax u weydiiso fadlan soo wac (03) 9855 7755
 
Fursadaha taageeridda. Kartida Villa Maria si ay u sii waddo una horumariso adeegyadeeda waxa keliya oo ay suurtagal ku tahay rayi-celinta iyo taageerada bulshada. Villa Maria waxay soo dhaweynaysaa deeqaha in kastoo ay yar yihiin ama weyn yihiinba. Waxaad samayn kartaa hal-mar deeq ah, waxaad noqon kartaa deeqe joogto ah, waxaad taageeri kartaa codsigayaga hadda socda, waxaad ka tegi kartaa dhaxal aad ku darto dardaarankaaga ama waxaad noqon kartaa taageeraha shirkadda.  Si aad u ogaato sidaad nooga caawin karto inaan isbaddal samaynofadlan soo wac (03) 9855 7641
 
Haddii aad caawimaad turjumaan u baahan tahay, fadlan soo wac Adeegga Turjumaan Afka iyo Fasiraadda (TIS) lambarkooda qaran ee 24-saac ah waa Ph: 13 14 50 qarashka wicidda degaanka, waydiisana in lagugu xiro lambarada kore midkood anaga ayeyna nala kaa soo xiriirin doonaan.
 

Website – www.villamaria.com.au   

 
VILLA TWEET
Follow the latest Villa Maria tweets.
 

    By A Web Design Company

    STAY SOCIAL
    Join the Villa conversation.
     
    Twitter Youtube Facebook